Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 30 2008
Xaabsade oo Sheegay in ay la Dagaallamayo Al-Shabaab
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 30 July 2008

XaabsadeBaydhabo,(insidesomalia.org)- Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shir ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxayna shirkoodaas ka soo saareen go’aan ay ku gaareen in ay la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Shirka ay isugu yimaadeen Xildhibaannadan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Kulankaas waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale, waxayna dhammaantood iclaamiyeen in ay Beelaha Digil iyo Mirifle la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay go’aan ku gaareen in ay la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in ay kulanka isugu yimaadeen markii sida uu yiri ay u dulqaadan waayeen dhaqdhaqaaqyo iyo falal nabadgelyo darro ah oo ay Deegaannada Digil iyo Mirifle ka wadaan Xoogagga Al-Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in Xoogagga Al-Shabaab ay yihiin kuwo doonaya sida uu hadalka u dhigay inay xoog wax ku qabsadaan, wuxuuna ku eedeeyay inay dad badan u dileen sabab la xiriirta in ay fikirkooda ka soo horjeedaan, “Dadkii waa dhameeyeen, waxayna doonayaan in Bastoolad ku qabsadaan dalka Soomaaliya iyagoo ka been sheegaya Diinta Islaamka”ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade oo intaas ku daray in Diinta Islaamka aysan ogoleynin in dadka macno darro loo dilo.

“Dadkii badankiis intey taleefoonno ka waceen ayay dalka barakiciyeen, dad badan oo masjid ka soo baxay ayay dileen, marka ma waxaan dhihi karnaa waxay wadaan Diin”ayuu  Xildhibaan Xaabsade hadalkiisa ku sii daray.

Shirka Xildhibaannadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay cabsi darteed isu casileen mas’uuliyiin dhowr ah oo madax ka ahaa Degmooyinka Gobolka Bay, iyadoo sidoo kalena weerarro lagu qaaday guryo ay Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaanno ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >